Dowladda Soomaaliya oo Francisco Madeira u qabatay in 48 saac gudahood uu wadankaasi uga baxo

0
617

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka eriday Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble ayaa shaaciyay Go’aanka dalkaasi looga eryay Madeira.
Xukuumadda ayaa Danjire Francisco Madeira ku eedeysay inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, islamarkaana uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira fartay in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.