Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay fatahaad ka dhalan karta wabiyada Shabeelle iyo Jubba

0
384

Qoraal ka soo baxay hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Billowga xilli roobaadkii Gu’ga 2023 oo goor hore billowday oo ay weheliyaan roobab ka da’aya Buuralayda Itoobiya, ayaa sababay sare u kac ku yimid heerka biyaha Wabiyada shabeelle iyo Jubba, taas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in xilli kasta ay fatahaad ka dhici karto degmooyinka ay webiyadu maraan.
System-yada aan kala socono heer biyaha Wabiga degmooyinka Beledweyn iyo Jowhar oo uu maro Wabiga Shabeelle, ayaa asbuucyadii la soo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 (Meter) taas oo sara u qaaday suuragal-nimadda ay ku fatihi karaan xilli kasta, taasina waxay ka dhigantahay in qatarta fatahaadu ay hadda tahay mid aad sare u sareysa.
Sidaa darteed, inta lugu guda jiro 96da saacadood ee soo socota ayaa waxaa suurta gal ah in qeybo ka mid ah degmada Beledweyn ka dhacaan fatahaaddo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku nool degaannada hoos yimaadama degmada Beledweyn.
Sidoo kale heerka biyaha wabiga demooyinka Dollow iyo Baardheere oo uu maro Wabiga Jubba ayaa la filayaa in ay asbuucaan kor u sii kacaan sida aan ku sheegnay saadaasha asbuuca laha aheed ee maanta ka soo baxday xarunta qaran ee ka digista halis- wadareedka, waxaa la saadaaliyay in asbuucaan roobab aad u xoogan ay ka di’idoonaan inta badan Degmooyinka gobalka Gedo oo ay ku jiraan magaalooyinka Baardheere iyo Dollow taasoo sababi karta fahaad Wabi iyo daadad roob (River flood and Flash flood).
Hadaba, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Somaaliyeed waxay diginin aad u sareysa u direeysaa bulshada ku dhaqan hareeraha wabiyada iyo togaga biyo mareenka ah taa soo ah in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka u ah bad-baadada naftooda iyo hantidoodaba.
Ujeedka aan warbixintan idinkula wadaageyno waxey tahay in la xoojiyo diyaar garoowga bulshada, lana yareeyo saameynta ay fataahadda ku yeelan karto bulshada ku nool meelaha ay halista fatahaadu ka jirto.
Iyadoo ay wali jiraan saameynta Abaarta dalka ee sanadihii la soo dhaafay ayaa waxey Ha’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo cusboonaatay, ayna kaalmo u muujiyaan bulshada ku dhaqan Magaalooyinka uu Webiga Shabelle maro.
Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxey si dhaw ula socotaa is badalka iyo wixii ka soo cusboonaada xaaladahaan, waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda.