Dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika oo soo gabagabeeyay ka doodistii howlgalka cusub ee ATMIS

0
587

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyey shirkoodii ay kaga wadahadlayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday, qaabka uu u shaqaynayo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada dhinac ee Kooxaha farsamada ayaa waxay isku raaceen inay qoraalkooda u gudbiyaan dowladda Soomaaliya iyo madaxda midowga Afrika.
Waxaana la isku raacay in loo beddelo magaca qorshaha cusub ee lagu howlgalaayo ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) halka uu horay u ahaa AMISOM.
Shirkan wuxuu gunaanad u ahaa shirar badan oo horay uga dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Cairo.
Hoos ka akhriso bayaan wadajir ay soo saareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo midowga Afrika