Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyey shirkoodii ay kaga wadahadlayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday, qaabka uu u shaqaynayo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada dhinac ee Kooxaha farsamada ayaa waxay isku raaceen inay qoraalkooda u gudbiyaan dowladda Soomaaliya iyo madaxda midowga Afrika.
Waxaana la isku raacay in loo beddelo magaca qorshaha cusub ee lagu howlgalaayo ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) halka uu horay u ahaa AMISOM.
Shirkan wuxuu gunaanad u ahaa shirar badan oo horay uga dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Cairo.
Hoos ka akhriso bayaan wadajir ay soo saareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo midowga Afrika
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika oo soo gabagabeeyay ka doodistii howlgalka cusub...