Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in labada heer ee dowladda ay ka wada shaqeynayaan wax ka qabashada saameynta abaarta ee laga dareemaya qaar ka mid ah ismaamullada waddanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro guddi farsamo oo loo xilsaaray dib u eegista barnaamijyada si loo yareeyo waxyeellada abaarta.
Barasaabka ismaamulka Bungoma ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha beeraha ee golaha COG, Ken Lusaka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay qaado tallaabooyin degdeg ah maadaama la soo tabiyey in abaarta ay xoolo galaafatay.




