Dowladda sare iyo ismaamulka Nairobi oo ka wada shaqeynaya muujinta bilicda caasimadda

0
197

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda dhexe iyo midda ismaamulka Nairobi ay iska kaashanayaan barnaamij ku saabsan wanaajinta bilicda caasimadda waddanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay ka go’an tahay horumarinta magaala madaxda dalka si looga dhigo mid casri ah.
Ruto ayaa xusay in hindisaha dayactirka waddooyinka looga gol-leeyahay fududeynta ciriiriga isku socodka gaadiidka.
Waxaa uu intaasi ku daray in la dayactiraya 161 kiilomitir oo waddooyin ah.
Arrintan ayuu hoggaamiyaha dalka shaaca ka qaaday ka dib markii uu warbixin ka dhageystay wasaaradda waddooyinka iyo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.