Dowladda Qatar oo amartay in la xiro wasiirka maaliyadda

0
657

Wararka naga soo gaaraya dalka Qatar ayaa sheegaya in dowladda wadankaas ay amar ku bixisay in xabsiga loo taxaabo Cali Shareef al-Emadi oo ah wasiirka maaliyadda.
Tallaabada lagu xiraya ayaa qayb ka ah baaritaano lagu hayo oo la xiriira lunsashada lacagaha dadweynaha iyo awoodiisa oo si aan habbooneyn uu u adeegsaday.
Wakaaladda wararka ee Qatar ee (QNA) ayaa ku warramaysa in amarka lagu xiraya wasiirka maaliyadda ee dalkaas uu ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.
Waxaa tallaabadan xigay in Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uu soo saaray digreeto xilka looga qaaday wasiirka.