Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in la xoojin doono waxqabadka wakaaladda qaran ee ololaha ka dhanka ah maandooriyaha ee (NACADA).
Tani ayaa la doonaya in lagu xakameeyo gudbinta noocyada daroogada sida khamriga sharci darrada ah iyo waxyaabaha kale ee maanka saameeya.
Kindiki ayaa sheegay in tallaabadan ay fududeyn doonto in lagu guulaysto ololaha qaran ee ka dhanka ah balwadda.
Wasiirka ayaa xusay in ka ganacsiga iyo isticmaalka noocyada kala duwan ee maandooriyaha ay ka mid yihiin shanta khatarro ee ugu waawayn ee dhanka ammaanka.
Khatarrada kale ayuu ku sheegay argagixisadda , burcadnimada , dhaca xoolaha , xagjirnimada ku saleysan dhaqanka, diinta iyo siyaasadda iyo sidoo kale isbeddelka cimillada.
Wasiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda dhexe iyo ismaamullada ee lagula dagaallamaya daroogada.