Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa khuburrada dhanka xisaabaadka u xaqiijiyay in dowladdu ay ka badbaadin doonto bartilmaameedsi haddii ay shaaca ka qaadaan falalka musuqmaasuqa ee macaamiishooda ama waaxyaha ay ka shaqeyaan.
Arrintan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu ka qayb galay shirka 39-aad ee sanadlaha ee machadka (ICPAK).
Waxaa uu xisaabiyaasha u sheegay inay waajibaad ka saaran tahay ka qayb qaadashada cirib tirka wax isdaba marinta si gaar ah soo iibsashada agabka.
Wasiirka ayaa ku boorriyay inay xaqiijiyaan in warbixinada maaliyadeed ee ay gudbinayaan ay yihiin kuwo daahfuran oo sax ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in warbixin la soo saaray sanadkii 2020, lagu ogaaday in shirkadaha dalka ay lumiyeen 5.5 bilyan oo shilin dembiyo dhaqaale oo la gaystay awgood.
Wasiir Matiangi waxaa uu intaasi raaciyay in boqolkiiba 14 ee lacagtan lagu lunsaday qaabka isla xisaabtanka maaliyadeed oo aan sida habboon loo sameyn.