Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka , Aisha Jumwa ayaa sheegtay inuu jiro qorsho 290 xarumood oo ah kuwa laga bixiyo adeegyada dowladda ee loo yaqaano Huduma looga hirgelinaya dhammaan deegaan baarlamaneedyada wadanka.
Tani ayey xustay inay qayb ka tahay qorshaha casriyeynta adeegyada aasaasiga ee shacabka loo fidiyo.
Aisha Jumwa ayaa hoosta ka xarriiqday inay tixgeliyeen codsiyo uga yimid dadweynaha iyo hoggaamiyaasha oo ku aaddan in bixinta adeegyada loo dhaweeyo muwaadiniinta.
Wasiiradda ayaa intaasi ku dartay in shacabka ay ku keydsami doonaan lacago badan oo uga baxa helidda adeegyada Huduma oo intooda badan ku yaalla xarumaha dhexe ee ismaamullada marka laga soo tago Nairobi iyo Kajiado.
290 Huduma centres to be opened in all constituencies in efforts to bring services closer to the people.#KBCniYetu ^RO pic.twitter.com/qDI16l0nrG
— KBC Channel1 News (@KBCChannel1) September 2, 2023