Dowladda oo xaqiijisay in saraakiisha ammaanka aynan faragelin doonin doorashada

0
524

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in saraakiisha ammaanka aynan wax faragelin ah ku sameyn doonin geeddisocodka doorashada guud ee 9-ka bisha Siddedaad ee sanadkan.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta NTV ayuu wasiirku ku sheegay inay been abuur yihiin dhaliilo ka yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta wadanka oo ku andacooday inuu jiro qorsho loogu shubanaya natiijada codeynta.
Shacabka ayuu ku boorriyay inaysan wararkaasi ku dagman oo ay iska dhaga tiraan.
Wasiirka ayaa xusay inuusan ka war qabin qorsho lagu xadaya natiijada doorashada maadaama kuwa sheegaya aynan caddeymo soo bandhigin.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inuusan jirin siyaasi sheegay qaabka loogu shubanaya natiijada ka soo bixi doonto doorashada guud.
Sidoo kale waxaa uu Matiang’i sheegay inay jiraan dadaallo siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu dhaawaco sumcadda saraakiisha ammaanka ee wadanka xilliga doorashada si kenyaanka tuhun loogu beero.
Matiang’i ayaa xaqiijiyay in dowladda ay diyaarisay tallaabooyin lagu xubinayo amniga doorashooyinka.
Waxaa uu tilmaamay in qorshaha lagu sugayo amniga deegaannada kala duwan ee dalka la soo billaabay ku dhawaad labo sano ka hor.
Wasiirka ayaa caddeeyay in isaga iyo saraakiisha ammaanka ay dhexdhexaad ka noqon doonaan tartanka siyaasadeed balse aysan marnaba ka gaabin doonin ka hor tagga falalka iyo hadallada horseedi karo in doorashada aynan ku qabsoomin jawi deggan.
Waxaa uu beeniyay inuu jiro qorsho dalka loogu qaybinaya qaab qabiil isagoo carrabka ku adkeeyay inay si siman ugu adeegaan dhammaan shacabka oo aynan arrimo siyaasadeed ku lug lahayn.