Dowladda oo xaqiijisay in baasaboorka lagu heli doono 3 cishe

0
475

Xoghayaha waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Bitok ayaa xaqiijiyay in kenyaanka marka ay codsadaan baasaboorka ay saddex cishe ka dib heli doonaan dokumeentigan muhiimka ah.
Arrintan ayuu ka sheegay deegaanka Moiben ee ismaamulka Uasin Gishu.
Bitok ayaa xusay in qorshahan uu dhaqangeli doono bisha 8-aad ee sanadkan.
Tani ayuu u aaneeyay in la dardargeliyay soo saaridda baasaboorka iyadoo la adeegsanaya agab iyo nidaamyo casri ah.