Dowladda ayaa dadweynaha u xaqiijisay tallaabooyin amni oo ku filan iyadoo dalka uu galayo xilliga ciidaha Krismaaska, xilli lagu garto safarro badan, dhaqdhaqaaq bulsho oo kordho iyo kor u kaca dalxiiska gudaha iyo dibadda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xaaladda amniga guud ee dalka oo dhan ay tahay mid deggan, balse waxaa uu xusay in isbeddellada hore ay muujinayaan in muddadaas ay diiwaan gelin karto koror gooni ah oo ku yimaada falalka dambiyada iyo xadgudubyada taraafikada.
Si loo hubiyo badbaadada qof kasta oo Kenyaan ah, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Xarunta Taliska Qaranka ee Hay’adaha Badan la howlgeliyay si loo isku duwo kormeerka, wadaagga sirdoonka iyo jawaab celinta degdegga ah ka hor, inta lagu guda jiro iyo ka dib xilliga ciidaha.
Xaruntan ayaa waxaa isugu imaanaya saraakiil ka kala socda Ciidamada Difaaca dalka ee KDF-ta, Adeegga Qaran ee Booliiska NPS, Adeegga Qaran ee Sirdoonka NIS, Adeegga Xabsiyada dalka, Adeegga Duurjoogta waddanka ee KWS, Adeegga Kaymaha dalka KFS, Adeegga Qaran ee Dhallinyarada NYS iyo Maamulka Dowladda Qaranka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in saraakiisha amniga ee laga soo xulay cutubyada adeegga booliiska ee kor ku xusan iyo Adeegga Ilaalada Xeebaha dalka la geeyay dalka oo dhan, iyadoo dhammaan saraakiisha fasaxa ku maqnaa dib loogu yeeray.
Murkomen ayaa sheegay in guddiyada amniga ee gobollada iyo ismaamullada ay sidoo kale xoojiyeen diyaargarowga ka hortagga argagixisada iyo xoojinta kormeerka, gaar ahaan meelaha dadweynaha isugu yimaadaan iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Sidoo kale, olole qaran oo lagu bartilmaameedsanayo khamriga sharci darrada ah iyo daroogada ayaa la bilaabay, oo ay hoggaaminayso Hay’adda Qaran ee Ololaha Ka hortagga Xadgudubka Khamriga iyo Daroogada ee NACADA, oo la shaqeynaysa booliiska.
Dowladda ayaa sidoo kale xoojisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha dambiilayaasha ah ee abaabulan sida fulinta dambiyada gudniinka fircooniga ah ee dumarka, faraxumeynta, , guurka qasabka ah, rabshadaha qoyska iyo xagjirnimada diinta.




