Dowladda oo waxbarasho bilaash ah siineysa in ka badan 20 kun oo qof

0
262

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in deeqo waxbarasho oo ay ka faa’iidaysanayaan in ka badan 20,000 oo qof kuwaas oo shalay ka qaybgalay xuska maalinka Jamhuri Day ee lagu qabtay fagaaraha taarikhiga Nyayo ee magaaladata Nairobi.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa xusay in dadkii shalay ka qaybgalay munaasabadda Jamhuri Day ay heli doonaan koorso bilaash ah oo ka kooban 16 qaybood taasoo qaybaheedu yahay 100,000 midkiiba ayna dowladdu bixinayso.
Dhammaan ka qaybgalayaasha ayaa adeegsaday nambarka jawaabta degdega ah ee QR code ee garoonka si ay ugu suuragasho inay billaabaan koorsadooda iyaga oo ku baran doona qaab online ah.
Koorsooyinkaa ayay dowladdu sheegtay inuu bixinayo dugsiga maareynta caalamiga ah ee jaamacadda gobolka Arizona ee dalka Maraykanka, kaas oo bixiya barnaamijyo loogu talagalay qaabkii ardayda loogu diyaarin lahaa la qabsiga adduunka dhijitaalka iyo firfircoonida leh.