Dowladda oo wado qorsho lagu wanaajinaya nolosha maxaabiista

0
280

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda asluubta ee dalka Mary Muthoni ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay wado qorsho ballaaran oo lagu wanaajinaya nolosha shakhsiyaadka ku xiran xabsiyada wadanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in barnaamijkan uu yahay mid laga fulinaya guud ahaan Kenya.
Muthoni ayaa sheegtay in lagu dadaalaya sidii qof kasta oo maxbuus ah uu si raaxo leh ugu seexan lahaa furaashkiisa iyo sariir isaga gaar u ah.
Waxay intaasi ku dartay in la diyaarinaya 60, 000 oo ah sariiro iyo joodariyaal.
Shalay ayay ahayd markii koox samafal sameysa oo loo yaqaano Tujengane ay waaxda asluubta ugu deeqday 800 oo joodari iyo bustooyin ah oo la geeyay xabsiga maxaabiista lagu sii hayo ee Industrial remand prison ee magaalada Nairobi.