Dowladda oo wado qorsho lagu kobcinaya dhaqaalaha Kenya Airways

0
224

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo la hadlayay kenyaanka ku nool wadanka Botswana ayaa sheegay in dowladda dhexe ay wado qorsho dib loogu soo nooleynaya shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways oo in muddo ah diiwaangelinaysay dhaqaale xumo.
DP Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Kenya Kwanza uu fahansan yahay caqabadaha ay shirkaddu wajahaysa.
Waxaa uu ku celceliyay inay ka go’an tahay inay KQ ka xoreeyaan dhaqaale xumida ay la daala-dhacaysa.
Ku xigeenka madaxweynaha wadanka ayaa intaasi ku daray in maamulka shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways ay ku adkaatay inuu bixiyo qarashaadka howlaha shirkadda sidaas awgeedna ay socdaan wada hadallo ku aaddan isbeddellada la dhaqangelin karo.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa horay u sheegay in caqabadda ugu wayn ee haysata shirkadda Kenya Airways ay tahay in lagu leeyahay deyn lacageed oo dhan 1.6 bilyan oo doolar.