Dowladda oo waaxyaha soo saaro sokorta iyo qaxwada ka cafisay 117 bilyan oo deymo ah

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in warshadaha soo saaro sokorta ee wadanka laga cafiyay amaah lacageed oo lagu yeeshay in ka badan 40 sano taasi oo dhan 110 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in dowladdu ay ansixisay in 600 oo milyan oo shilin lagu taageero horumarinta soo saaridda sokorta iyo isbeddellada lagu sameynaya waaxdan.
Tani ayaa qayb ka ah qorsho miisaaniyadeed oo ku kacaya 2 bilyan oo shilin oo ay dowladdu shaaca ka qaadday.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto tilmaamay in ay qasab tahay in la taageero warshadaha soo saaro badeecooyinka kala duwan ee wadanka ee ay sokorta ka midka tahay si dhallinyaro badan shaqo abuur loogu sameeyo.
Dowladda ayaa sidoo kale culeyska ka dul qaadday iskaashatooyinka qaxwada oo iyagana lagu lahaa deyn dhan 6.9 bilyan oo shilin.
Sidoo kale , waxaa uu xusay kobcinta soo saaridda qaxwada gaar ahaan in sida uu sheegay halkii geed oo hadda soo saara ilaa 2 kiilogaraam in laga helo 10 kiilogaraam.
Qorshaha dowladda ayaa ah in wax soo saarka dhanka qaxwada oo sanadkiiba lagu qiyaaso ilaa 50,000 metric tons in la gaarsiiyo 102,000 sanadka 2027-da.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax soo saarka beeraha uu u dhigmo boqolkiiba 25 ee kobaca guud ee dhaqaalaha wadanka ee GDP.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waaxda beeraha ay si toos ah ama si dadban shaqooyin ugu abuurtay boqolkiiba 40 ee kenyaanka.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shalay jeedinayey khudbadda sanadguuradii 61-aad ee maalinta qaran ee Madaraka Day oo sanad kasta loo dabbaal dego 1-da bisha Lixaad ee June.
Hal-ku dhigga xuska Madaraka Day ee sanadkan ayaa ahaa beeraha iyo isku filnaanshaha dhinaca cunnada.