Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in toddobaad gudihiisa ay dowladdu heshay lacag dhan 157 milyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqaalahan uu ka soo xarooday adeegsiga hannaanka casriga ee lagu maareeyo safarrada ee loo yaqaano (ETA).
Julius Bitok ayaa intaasi ku daray in mudadan gudaheeda ay codsiyo soo dirsadeen 32,000 qof oo ajaaniib ah oo doonaya inay Kenya yimaadaan.
Waaxda socdaalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 25,000 oo codsiyadan ka mid ah la ansixiyay.
Waxaa dhinac la iskaga dhigay codsiyo gaaraya 110 sababo amni awgood halka inta kalena gacanta lagu hayo.