Dowladda dhexe ayaa ka codsatay dhakhaatiirta dalka inay ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka.
Waxaa ay dowladda xustay inay diyaar u tahay xallinta waxyaabaha ay tabanayaan dhakhaatiirta.
Tani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) uu yeelanaya shirweyne looga arrinsanaya shaqo joojin qaran oo qorsheysan.
Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka talada waddanka haya ay ka go’an tahay xaqiijinta daryeelka caafimaadka ee Kenyaanka.
Mwaura ayaa intaasi ku daray in dowladda ay diyaar u tahay in wada hadal lala yeesho ururrada dhakhaatiirta si loo ilaaliyo caafimaadka iyo nolosha muwaadiniinta.
Ajandaha koowaad ee shirka ay maanta yeelanayaan uruka KMPDU ayaa ah in si rasmi ah ay shaqo joojin ku dhawaaqaan iyo in dowladda ay fuliso ballan qaadyadii ay sameysay.
Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee tijaabada maraya.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan aynan mararka qaar helin xita nooliga baabuurta lagu raaco si ay u tagaan goobaha shaqada.
Waxaa uu howlwadeennadan ku amray in ay guriyaha ku sugnaadaan oo aynan shaqo tagin ilaa inta laga xallinaya tabashooyinkooda.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhakhaatiirtan ay wajahayaan culeysyo maskaxeed oo ka dhashay dhibaatooyinka haysta.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowladda maanta ay soo saartay 960 milyan oo shilin oo ah mushaaraadka ardayda soo bartay culuunta caafimaadka oo ay tiradoodu gaareyso 3,747.
Home Wararka Kenya Dowladda oo ururka dhakhaatiirta KMPDU ka codsatay inay ku soo laabtaan miiska...