Dowladda oo ugu yaraan 5 bilyan u qoondeysay kobcinta dhaqaalaha ismaamullada

0
220

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu miisaaniyad kor u dhaafaysa 5 bilyan oo shilin u qoondeeyay barnaamij ismaamul kasta looga hirgelinaya xarun warshadeed oo ka shaqeyn doonto soo saaridda badeeco gaar ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ismaamul kasta uu helo 110 milyan oo lacagtan ka mid ah.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay mas’uuliyiinta laanta arrimaha dhaqaalaha ee Tatu City oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Shirkado ay ka mid yihiin kuwa daawooyinka soo saaro ayaa la filayaa inay halkaasi xarumo ka hirgeliyaan tani oo lagu sheegay maalgashi ah ballaayiin shilin.