Dowladda oo toddobaadka dambe soo saaraysa lacagaha dugsiyada

0
345

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in maalinta Isniinta ee isbuuca dambe la soo saari doono lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa ismaamulka Siaya.
Sidoo kale waxaa uu wasiirka mar kale xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay in la dhiso ugu yaraan 10,000 oo ah fasallo ay ardayda ku qaadan karaan casharrada manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu ku celceliyay in qorshuhu uu yahay in dhisidda fasalladan la dhameystiro ka hor doorashada bisha Siddeedaad.