Dowladda oo sugaysa amniga guddoomiye xaafadeedyada

0
406

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dhammaan guddoomiye xaafadeedyada dalka oo gaaraya 3,950 iyo ku xigeenadooda oo ah 9,043 la siin doono ciidamo booliis oo la shaqeeya.
Saraakiishan ayaa sugi doono amniga mas’uuliyiintan waxayna sidoo kale ka caawin doonaan xaqiijinta nidaamka kala dambeynta ee goobaha ay dowladda dhexe ku matalaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa qorshahan fulin doonto bisha koowaad ee sanadka 2023.
Waxaa uu qorshuhu yahay in guddoomiye xaafadeed kasta la siiyo ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale laga doonaya inay diyaariyaan qorsho howleedkooda oo ay hayaan diiwaanka adeegyada dowladda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay ka mid yihiin dadaallada awood-siinta ee saraakiisha maamulka.
Waxaa uu sheegay in marka waxyaabahan la dhaqangeliyo ka dib guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda si buuxda loogula xisaabtami doono sida ay dadweynaha ugu adeegaan iyo shaqooyinka ay dowladda dhexe ku matalaan ee tuulooyinka inay yihiin kuwo waxtar leh.
Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kilifi waxaa uu dhanka kale digniin adag u diray saraakiisha booliiska ee lagu eedeyo inay laaluush qaataan isagoo wacad ku maray in dowladda ay ka qaadi doonto tallaabooyin sharciyeed oo adag.