Dowladda oo soo saartay lacagaha waayeellada iyo qaybaha nugul ee bulshada

0
301

Dowladda dhexe ayaa bixisay lacag dhan 2 bilyan oo shilin oo loogu tala galay qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada, agoonta iyo naafada.
Sidoo kale wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa maanta 4.3 milyan oo shilin ku wareejisay barnaamijka nafaqada iyo wacyigelinta caafimaad.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda badbaadinta bulshada iyo daryeelka waayeellada, Joseph Motari ayaa sheegay in lacagta la bixiyay la doonaya inay ka faa’iidaan hal milyan oo qof wuxuuna qof waliba helaya 2,000 oo shillin oo billa ah.
Motari oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa dib u dhaca ku yimid bixinta lacagihii ay waayeellada, naafada iyo agoonta qaadan lahaayeen bishan Toddobaad u aaneeyay cillado dhanka hannaanka ah kuwaasi oo hadda la xalliyay.
Wuxuu intaasi ku daray in lacagaha la bixin doono 15-ka iyo 20-ka bil kasta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in ka hor inta aan shaqaalaha dowladda la siin mushaaraadkooda , in dadka iska diiwaangeliyay barnaamijka Inua Jamii lagu wareejiyo miisaaniyadda ay bil waliba dowladdu u qoondeysay.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in toddobaadkii hore ay dowladdu bixisay 8.36 bilyan oo shilin oo ah lacagihii ay dadkan qaadan lahaayeen bishii Saddexaad ilaa bishii Lixaad ee sanadkan waxaana qofka loo qoondeeyay 8,000 oo shilin oo uu heli lahaa muddo afar bilood ah.