Dowladda oo soo saartay lacagaha waayeellada

0
674

Dowladda dhexe ee dalka ayaa soo saartay 4.6 bilyan oo shilin oo loogu talagalay waayeellada iyo qaybaha kale ee nugul ee bulshada.
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada iyo arrimaha waayeellada ee dalka Joseph Motari, ayaa xusay in lacagtan ay tahay midii bilihii 6-aad iyo 7-aad ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in la billaabay bixinta miisaaniyaddan iyadoo qof waliba uu helaya 4,000 oo shilin .
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in waaxdu ay raalligelin ka bixinaysa dib u dhaca oo uu u aaneeyay macluumaad la sifeynayay.
Barnaamijkan oo loo yaqaano Inua Jamii ayay dowladdu ku taageertaa dadka ay da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka sarreeya , agoonta , carrurta nugul iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.