Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shaaciyay in dowladda dhexe ay soo saartay lacag dhan 451 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loogu tala galay in gargaar baniaadannimo loogu fidiyo dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka ka dhashay roobabka culus ee El- Nino gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs.
Gachagua oo shalay booqday ismaamullada Garissa iyo Tana River ayaa sheegay in la dayac tiraya waddooyinka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee ku burburay fatahaadaha.
Ugu yaraan hal bilyan oo shilin ayay dowladdu soo saartay si dib loogu dhiso waddooyinka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in lacagta la bixiyay si gaar ah loogu taageeri doono qoysas gaaraya 119,178 oo ah kuwa dhibaatooyinka u nugul.
Ismaamulka Garissa waxaa lacagihii ay dowladdu siin lahayd bilihii Tobnaad, 11-aad iyo bishan Diseembar la siin doonaa ugu yaraan 7,199 qoysas ah.
Waxay guud ahaan helayaan 58.3 milyan oo shilin.
Ismaamulka Tana River , tirada qoysaska ee lacagtan ka faa’iidaysanaya ayaa ah 5,985 waxaana loogu talagalay 48,478,500 milyan oo shilin.