Dowladda oo soo saartay 2 bilyan oo lagula tacaalaya saameynta abaarta

0
337

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in dowladda dhexe ay lacag gaareysa 2 bilyan oo shilin ugu tala gashay in gargaar cunno ah la gaarsiiyo ismaamullada ugu daran ee ay abaartu saameysay.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka sidoo kale xusay inay kaashan doonaan saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Wada shaqeyntan ayaa la doonaya in lagu uruuriyo lacag dheeraad oo dhan 10 bilyan oo shilin.
Dowladda ayaa horay gargaarka ka dhanka ah abaarta u qoondeysay 3.2 bilyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA uu sheegaya inay ka sii dari karto abaarta ka jirta 29 ka mid ah ismaamullada wadanka in kastoo hadda ay jiraan meelo ay roobab ka da’een sida Nairobi iyo qaybo ka mid ah deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa.