Dowladda oo soo saartay 1.1 bilyan oo lagu qarash gelinaya warshadaha ismaamullada

0
177

Dowladda dhexe ayaa soo saartay miisaaniyad dhan 1.125 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in loo adeegsado wajiga koowaad ee socda ee barnaamijka warshadeynta ee ismaamullada ee (CAIPs) .
Wasiiradda wasaaradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano ayaa sheegtay in ismaamul kasta uu helaya 62.5 milyan oo shilin oo dhaqaalahan ka mid ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wasaaradeeda oo kaashanaysa golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG iyo waaxyaha dhaqangelinta mashruucan ee deegaanada ay shaacin doonaan fursadda u bannaan cidda doonaysa in ay maareyso xarumaha la isugu geynaya badeecooyinka lagu soo saaro ismaamul kasta ee CAIPs si sare loogu qaado suuqgeynta.
Miano ayaa sheegtay in arrintan la billaabay ka dib markii la garowsaday in mid kasta oo ka mid ah 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay uu leeyahay wax soo saar gaar ah oo haddii la taageero door ka qaadan kara kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in kobaca guud ee dhaqaalaha wadanka oo hadda ah boqolkiiba 7 in sanadka 2027-da la gaarsiiyo boqolkiiba 15 si marka la gaaro 2030-ka uu u noqdo boqolkiiba 20 .
Sidoo kale dowladda ayaa qorsheynaysa in waxyaabaha ay Kenya dibadda u dhoofiso oo hadda ah boqolkiiba 10 in sanadka 2025-ka la gaarsiiyo boqolkiiba 30.