Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe iyadoo u maraysa baarlamaanka ay soo saari doonto xeerar lagu xaqiijinaya xasiloonida marka ay dhacayaan dibadbaxyada.
Kindiki ayaa xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in mudaaharaadyada ay noqdaan kuwo nabad ah , dadka ka qayb galaya aynan hubeysnayn si guudna waafaqsan xeerarka dastuuriga ah oo ay ka mid tahay in aan lagu xadgudbin xuquuqda kenyaanka kale.
Wasiirka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in isbeddel lagu sameeyo nidaamka kala dambeynta ee dhanka maamulka.
Waxaa uu cadeeyay in farqada 37-aad ee dastuurka Kenya uu shacabka xaq u siinaya isku imaatin iyo dibadbax hasa ahaate la doonayo in howlahan loo wajaho qaab nabad ah.
Soo jeedinnada oo gaaraya ilaa toban waxay la xiriiraan habraaca laamaha ammaanka loogu wargelinaya qorshaha mudaaharaadka , doorka saraakiisha ammaanka ee ilaalinta xuquuqda dadka ka qayb qaadanaya dibadbaxyada ama meel isugu tagaya ama cabashadooda gudbinaya , in la jaangooyo meelaha ay dadku isugu tagi karaan ama dibadbax ka dhigi karaan , waajibaadka qabanqaabiyaasha dibadbaxa ka saaran inay cadeeyaan wakhtiga, meelaha ay ku dibadbaxayaan iyo macluumaadka kale ee lagu xaqiijin karo badqabkooda, shuruudaha la xiriira in oggolaansho laga helo shakhsiyaadka ay suurtagal tahay inay saameyn ka soo gaarto isku imaatinka ama mudaaharaadka , xaddidaada tirada dadka hal xilli meel isugu tagi karo ama ka qayb qaadan karo dibadbax, mas’uuliyadda nadiifinta meelaha uu mudaaharaadka ka dhaco iyo qarashaadka la xiriira sidoo kale cidda qaadanaysa mas’uuliyadda iyo bixinta qarashaadka waxyeellada ay gaystaan dibadbaxayaasha.
It is not feasible for security organs to allow masses of people to roam streets and neighborhoods of their choice carrying stones and other offensive weapons while chanting political slogans and disrupting the daily activities of others. pic.twitter.com/3nmmwmyMC2
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) March 26, 2023
…responsibility for, and payment of, damages to those harmed by activities of assemblers, demonstrators, picketers or petitioners.
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) March 26, 2023