Dowladda dhexe ayaa guddi iskudhaf ah u xil saartay inuu la dagaallamo falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Tani ayaa timid ka dib kulan wada tashi ahaa oo ay yeesheen hay’ado kala duwan kaasoo looga hadlayay maamul wanaagga .
Waxaa kulanka guddoominayay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei oo sheegay in waaxyahan ay soo saareen nidaam ay iskaga kaashan karaan la tacaalidda musuqmaasuqa.
Felix Koskei ayaa sheegay in aynan jirin cid si gaar ah loogu bartilmaameedsanaya ama looga weecan doono dagaalkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha dalka uu ku amray inuu xoojiyo maamul wanaagga oo uu xaqiijiyo in aan loo dulqaadan musuqa.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa laga soo xigtay in dhawaan maxkamadda la soo taagi doono shakhsiyaad ku eedeysan inay lunsadeen lacagaha dadweynaha xilligii cudurka COVID-19.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in wada shaqeyn iyo baaritaano wax ku ool ah ay horseedi karaan in lagu guulaysto dacwadaha maxkamadaha loo gudbiyo.
Aamiin Maxamad , agaasimaha dambi baarista dalka ayaa xusay in xafiiskiisa uu si dhow ula shaqeynaya waaxda dacwad oogidda.
Margaret Nyakan’go oo maareysa miisaaniyadda dowladda ayaa dhankeeda codsatay in shaqaale dheeraad ah oo ka tirsan xafiiskeeda la geeyo ismaamullada maadaama uu hadda dowlad deegaan kasta ku matalo hal sarkaal.
Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ,Antony Muchiri ayaa isna soo jeediyay in baaritaan dhanka hanti dhowrka ah lagu sameeyo dhammaan shaqaalaha dowladda.
Mr. Muchiri ayaa xusay in tababarro loo sameeyo saraakiisha xisaabaadka sidoo kalena la dabagalo waxqabadkooda inay muhiim u tahay ka hor tagga musuqmaasuqa.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maamulka madaxweyne William Ruto uu sare u sii qaaday dagaalka ka dhanka ah wax isdabamarinta.