Dowladda oo soo bandhigtay shabakadda shirweynaha cimillada

0
238

Dowladda dhexe ayaa soo bandhigtay shabakadda rasmiga ee shirweynaha Afrika ee looga arrinsanaya wax ka qabashada saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Tani ayaa qayb ka ah wacyigelinta la sameynaya ka hor inta aan bisha Sagalaad ee sanadkan magaalada Nairobi lagu qaban kulanka arrimaha cimillada.
Waxaa shabakadda shaaca ka qaadday wasiirrada deegaanka iyo isbeddelka cimillada ee dalka ,Soipan Tuya.
Wasiiradda iyo safiirka dowladda Jarmalka ku matalo Kenya Ambasadoor Sebastian Groth ayaa labaduba sheegay in tallaabadan ay aasaas u tahay geeddisocodka diiwaangelinta iyo aqoonsiga la xiriira kulanka cimillada ee Afrika iyo toddobaadka cimillada ee qaaradda.
Sidoo kale waxay si wadajir ah u soo bandhigeen baraha bulshada iyo hannaanka diiwaangelinta ee Xoghaynta shirka ACS .
Wasiiradda arrimaha deegaanka ee dalka , Soipan Tuya ayaa dhanka kale maalgashatada wadanka ugu baaqday inay isku diyaariyaan ka faa’iidaysiga shirka oo ay sameeyeen xiriirro maalgashi.