Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi inuu maanta shaaciyo miisaaniyad lacageed oo dhan 4.2 Tiriliyoon oo shilin.
Faahfaahinta miisaaniyadda ayuu la wadaagi doonaa baarlamaanka.
Dhaqaalahan ayaa ah miisaaniyadda ay dowladdu bartilmaameedsanaysa in howlaha qaranka lagu wado 2025-2026-ka.
Mbadi ayaa xusay in ay qorsheynayaan in maamulka canshuuraha ee KRA uu uruuriyo dakhli dhan 2.7 Tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay u dhiganto maalgelin ah boqolkiiba 64 oo loo baahan yahay.