Dowladda ayaa waxaa ay siidaysay 3.5 bilyan si ay u siiso dad gaaraayo 1,759,656 oo ah ka faa’iidaystayaasha Barnaamijka Inua Jamii.
War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Waaxda Gobolka ee Ilaalinta Arimaha Bulshada Waayeelka Joseph Motari ayaa waxaa uu ku sheegay in lacag bixinta ay bilaabatay shalay, iyadoo ka faa’iideyste kasta loo qorsheeyay inuu helo 2,000 oo ah lacagihii bishii hore ee May.
Motari ayaa waxaa uu xusay in Barnaamijka Xawilaadda Lacagta ee Inua Jamii ay weli tahay tiir-dhexaadka istiraatiijiyadda ilaalinta bulshada ee Dowladda.
Barnaamijka ayaa waxaa uu higsanayaa in la yareeyo faqriga iyo kor u qaadista fayo-qabka xubnaha bulshada ugu nugul, oo ay ku jiraan dadka da’da ah ee da’doodu ka weyn tahay 70, agoonta iyo carruurta nuguliyo dadka la nool naafada daran.