Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in si wayn loo sugay amniga kaabayaasha horumarineed ee dhanka isgaarsiinta iyo gaadiidka oo uu ka mid yahay marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka.
Waxay waaxdu digniin adag u dirtay cid kasta oo iskudayda inay waxyeeleyso agabkan.
Booliska dalka ayaa xusay in cidii lagu helo iyadoo xadaysa agabka khadka tareennada gacanta lagu dhigi doono si looga qaado tallaabo sharciyeed.
Digniinta laamaha ammaanka waxaa qayb ah in sidoo kale lala xisaabtamayo cidii dhac u gaysata rakaabka ku safro tareenka.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan mid ka mid ah dadka isticmaala tareennada uu barta Facebook-ga soo dhigay qoraal uu cabasho kaga muujiyay hanti looga dhacay tareenka dhexdiiisa.