Dowladda oo si joogto ah u shaqaaleysiineysa 46,000 oo ah barayaasha JSS

0
446

Dowladda dhexe ayaa maanta sheegtay in barayaal dhan 46,000 ee hadda wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS in qaab joogta ah loo shaqaaleysiinaya.
Barayaashaan ayaa maray tijaabada shaqo ee macallinimo.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha maaliyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria ayaa sheegay in dhaqaale dhan 18 bilyan oo shilin loo qoondeeyay shaqaaleysiinta macalimiintan.
Barayaashan oo shaqo joojin ku guda jiray, ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ismaamullada kala duwan ka dhigayay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in si joogto ah loo howlgeliyo.
Dhanka kale, guddiga adeegga macallimiinta ee TSC, ayaa sidoo kale la filayaa in bisha soo socota uu shaqaaleysiiyo 20,000 macallimiinta dugsiyada JSS ee maray tijaabada culuunta waxbarashada.