Dowladda oo sheegtay inaynan faragelin doonin maamullada madaxa bannaan

0
259

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in golaha fulinta ee dowladda dhexe uunan marnaba wax faragelin ah ku sameyn doonin maamullada dastuuriga ah ee madaxa bannaan.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu hay’adahan kula qaatay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Gachagua ayaa hay’adahan kula taliyay inay waajibaadka loo igmaday uga soo baxaan si aan lahayn cabsi iyo qof u eexasho.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan inay si dhow ula shaqeeyaan maamullada si loo wanaajiyo adeegyada bulshada.
Rigathi Gachagua ayaa intaasi ku daray in xafiiskiisa uu diyaar u yahay inuu kala dhexdhexaadiyo hay’adaha dowliga ah haddii uu soo kala dhex galo khilaaf shaqo.