Dowladda oo sheegtay inay kombiyuutarro dhan 23,000 gayn doonto qaybaha wadanka

0
288

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in 23,000 oo qalab kombiyuutar ah gayn doonto dhammaan machadyada farsamada iyo xarumaha lagu barta farsamada gacanta guud ahaan dalka.
Qorshahan ayaa looga gol-leeyahay si ay ugu suurtagasho dhallinyarada kenyaanka ah inay ka faa’iideystaan xirfadahooda tignoolajiyadda gudaha iyo suuqa digital-ka ee caalamiga ah.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dijitaalka ah Eliud Owalo ayaa sheegay in dowladda ay sidoo kale goobahan ku xiri doonto intarneet xawaarihiisu sarreeyo, si dhallinyarada ay ugu dhiiradaan barashada suuqa dhijitaalka ah.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay maalgashatada waxbarashada farsamada ee doonaya in ay maalgashadaan dalka in ay la shaqeeyaan dowladda si loo helo faa’iidooyin waxtar leh.
Mr. Owalo ayaa xusay in tignoolajiyadda casriga ah ay horumarineyso dhinacyada waxbarashada, isgaarsiinta, hal-abuurka, maaliyadda, ganacsiga iyo warshadaha.
Dhanka kale xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dijitaalka John Tanui ayaa sheegay in dowladda ay dejineyso tillaabooyinka lagama maarmaan ah, si loo hubiyo in kenyaanka ay helaan aaladaha dhijitaalka ah ee la awoodi karo.