Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in maamulka cusub ay ka go’an tahay inuu xal u helo qiimaha sare ee maciishadda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in lagu dadaalaya sidii loo soo saari lahaa xal muddo dheer shaqeyn karo .
Oguna ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay walaac ka muujinaysa culeysyada nololeed ee ay wajahayaan dadweynaha.
Waxaa uu baraha bulshada soo dhigay qoraal ah in tallaabooyinka ay dowladda dhexe qaadayso ay ka mid tahay in meesha laga saaro miisaaniyaddii lagu kabayay shidaalka iyo booshada maadaama sida uu qoraalka u dhigay ay dad kooban ka faa’iidaysteen.
Cyrus Oguna ayaa xusay in dowladdu ay diiradda saarayso awoodsiinta beeralayda soo saaro dalagga kala duwan si sare loogu qaado wax soo saarkooda dhaqaale.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay bixinta bacriminta ,abuur tayo leh iyo waxyaabo kale oo ay beeralayda ku helayaan qiimo ay awoodaan.
Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda dhexe ayaa laga soo xigtay in la bixiyay 1.4 milyan oo jawaan oo bacrimin ah oo 50-kii kiilogaraam lagu iibsanaya 3,500 oo shilin halka horay lagu iibinayay 6,500.
The high cost of living Kenyans have been experiencing has been a concern for the Government, and the Government is committed to providing long-term solutions that will offer the much needed relief.
1/— Spokesperson GoK (@SpokespersonGoK) September 19, 2022
Subsequently, 1.4 million bags of fertiliser have been made available at a cost of Ksh 3,500 for a 50 kg bag, down from the current Ksh 6,500.
Tuchape kazi tujenge nchi.
4/.— Spokesperson GoK (@SpokespersonGoK) September 19, 2022