Dowladda oo sheegtay inay ka go’an tahay ka hor tagga ku takriifalka kheyraadka dadweynaha

0
186

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay la dagaalanka falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in dhammaan mas’uuliyiinta dowladda ay muujiyaan habdhanka laga doonaya ee dhanka maareynta dhaqaalaha qaranka ee lagu aaminay.
Mudavadi oo hadalkan ka jeediyay dugsiga dowladda ee KSG ee magaalada Nairobi ayaa xusay in lacagaha dadweynaha oo sida loogu talagalay loo isticmaalo ay dardargelinaysa adeegyada bulshada loo fidiyo, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu ku dadaalaya sidii uu uga soo bixi lahaa waxyaabihii uu shacabka u ballanqaaday xilligii ololihii doorashada ee sanadkii hore.