Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Baringo.
Kulanka ayaa ka qabsoomay hooyga rasmiga ee madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Mas’uuliyiinta uu maanta la kulmay waxaa hoggaaminayay senatarka ismaamulka Baringo William Cheptumo.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in si xal waara loogu helo isku dhacyada nabaddana loo xoojiyo ay lagama maarmaan tahay in mas’uuliyiinta , bulshada iyo daneeyayaasha kale ay isla eegaan arrimaha u baahan in laga wada tashado oo lala tacaalo.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee Baringo iyo si guud Waqooyiga Gobolka Rift Valley lagu amray inay cirib tiraan weerarrada burcadnimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxdu ay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadinta nolosha shacabka iyadoo aan la eegayn muddada ay tani qaadan karto in laga dhabeeyo.
Waxaa uu tilmaamay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay in la soo afjaro dilalka arxaan darrada ah iyo burburinta hantida ee Waqooyiga Rift Valley.
Gachagua ayaa sheegay inay fahansan yihiin in nabad galyada ay udub dhexaad u tahay horumarka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Reuben Kiborek ( xildhibaanka deegaanka Mogotio), Joseph Makilap-(Mudanaha Waqooyiga Baringo) Jackson Kosgei ( xildhibaan baarlamaanka ugu biiray si magacaabid ah) iyo Joshua Kandie ( oo ah xildhibaanka Bartamaha Baringo).