Dowladda oo sheegtay in xilligan aan la fulin karin dalabaadyada dhakhaatiirta

0
202

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in xilligan aynan suurtagal ahayn in la fuliyo waxyaabaha ay dalbanayaan dhakhaatiirta.
Saraakiisha caafimaadka ayaa doonaya in si buuxda loo dhaqangeliyo heshiis gorgortan ku saleysnaa oo ay wasaaradda caafimaadka la saxiixdeen sanadkii 2017-kii.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in mushaar kordhin loo sameeyo, in la dallacsiiyo sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqada.
Mas’uuliyiinta ururrada KMPDU iyo KUCO ayaa ku adkeysanaya in dowladdu ay sarkaal kasta bishiiba siiso lacag dhan 206,000 oo shilin halka ay dowladdu sheegaysa in ay keliya awoodo 70,000 oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha caafimaadka ay shaqo joojin ku guda jiraan in ka badan hal bil.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mas’uuliyiinta taageersan shaqo joojinta dhakhaatiirta u sheegay in haddii ay hayaan lacago ay siiyaan howlwadeennada, in ay ku wareejiyaan.
Hoggaamiyaashan ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo doonaya in ay caan noqdaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay wadanka hadda ka taagan yihiin dhibaatooyin ka sii wayn shaqo joojinta dhakhaatiirta oo u baahan in wax laga qabto.
Madaxda ay ka midka yihiin barasaabyada ismaamullada ayuu u sheegay in laga doonayo inay diiradda saaraan sidii ay isbeddel u sameyn lahaayeen iyagoo muujinaya hoggaan wanaagsan oo ay dadweynaha ugu adeegayaan.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya toddobaad ka dib markii hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ay ku hanjabeen in ay ku biirayaan shaqo joojinta dhakaatiirta haddii aynan dowladdu xallin tabashooyinkooda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu sheegay in ay wada tashi sameynayaan oo haddii aynan dowladdu tallaabo qaadin ay iyagana ka qayb geli doonaan mudaaharaadyada saraakiisha caafimaadka.