Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa sheegay in la rajeynaya in sicir bararka hadda wadanka ka jiro uu hoos u dhaco sanadka soo socdo ee 2024-ka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in heerka sicir bararka uu bishii hore ee May ahaa boqolkiiba 8.
Dowladda ayaa bishii 10-aad ee sanadkii hore , sicir bararka ku sheegtay boqolkiiba 9.6.
Ndung’u ayaa xilli uu baarlamaanka ka hor akhrinayay miisaaniyad sanadeedka 2023-2024-ka sheegay in sicir bararka uu ku soo noqon doono qiimaha dhexdhexaadka ah oo u dhexeya boqolkiiba 2.5 ilaa boqolkiiba 7.5.