Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya shacabka codsada shahaadooyinka dhalashada iyo kuwa dhimashada loogu soo saari doono hal cishe gudaheeda.
Julius Bitok ayaa dhammaan saraakiisha diiwaangelinta ku amray inay xaqiijiyaan in qof waliba oo codsado dokumeentiyadan uu isla maalinkaasiba helo shahaadooyinka.
Heerka diiwaangelinta dhimashada ee dalka ayuu xoghayaha ku sheegay boqolkiiba 55 halka diiwaangelinta dhalashada guud ahaan wadanka ay hadda tahay boqolkiiba 87.
Waxaa uu intaasi ku dartay in amarkan cusub looga gol-leeyahay in meesha looga saaro culeysyo horay u jiray maadaama kenyaanka ay muddo badan sugi jireen inay helaan dokumeentiyada muhiimka ah.
Tani ayaa qayb ka ah isbeddellada lagu wanaajinaya adeegyada ay waaxda socdaalka u fidiso dadweynaha.




