Dowladda oo sheegtay in Mackenzie uunan dhul ku lahayn Shakahola

0
303

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka Nixon Korir ayaa sheegay in baadariga kaniisadda Good News International ee deegaanka Malindi ,Paul Mackenzie uunan 800 oo eekar ku lahayn keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu hor tagay guddiga uu aqalka sare u saaray baaritaannada meydadka lagu arkay Shakahola.
Korir ayaa xusay in dowladda dhexe aynan hayn wax caddeyn ah oo loo cuskan karo in Paul Mackenzie uu yahay milkiilaha dhulka la sheegay.
Waxaa uu Xoghayaha intaasi ku daray in dhulka laga helay xabaal wadareedyada ee Shakahola uu ahaa mid bannaan oo aynan cidna degganayn.