Dowladda oo sheegtay in maanta la abuuri doono 100 milyan oo geedo ah

0
240

Wasiirradda wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa dhammaan kenyaanka ku boorrisay inay maanta ka qayb qaatan munaasabado geedo lagu beeri doono.
Maanta ayay dowladdu u aqoonsatay maalin fasax qaran ah.
Waxay qof waliba ugu baaqday inuu abuuro labo geed si loo haleelo bartilmaameedka qaran oo ah 100 milyan.
Soipan Tuya ayaa hoosta ka xarriiqday in laga faa’iidaysanaya roobabka dalka ka da’aya.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in ugu dambeyn sanadka 2032-da la abuuro 15 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ku daahfuri doono barnaamijkan maanta.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa dhankiisa sheegay in geedaha la beeraya laga heli karo xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada.
Wasiirrada ayaa loo xil saaray in mid waliba uu ugu yaraan labo ismaamul ku hoggaamiyo barnaamijka dhir beeridda.
Dowlad deegaanka Garissa waxaa geedaha lagu beeri doonaa Jaamacadda Garissa University iyadoo uu arrinkan hormuud ka noqonaya wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki.
Kindiki ayaa sidoo kale daahfuri doono abuuridda geedaha ee bariga ismaamulka Wajeer gaar ahaan xerada ciidamada militariga ka hor inta uunan u gudbin bariga Mandera gaar ahaan machadka lagu tababaro dhakhaatiirta ee KMTC.