Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran, Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in cid waliba oo fal dambiyeed gaysatay intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe dacwad lagu soo oogi doono.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu booqday guddoomiyaha bartamaha magaalada Bondo ee ismaamulka Siaya , Walter Omollo oo ay dibadbaxayaal dab qabadsiiyeen gurigiisa.
Omollo ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay xaqiijinta nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo guud ahaan wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka lagu taageeraya gudashada waajibaadkooda shaqo.
Xoghayaha ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorriyay inay adeegsadaan siyaabaha habboon ee ay ku gudbin karaan tabashooyinkooda oo aynan sameyn burburin hantiyadeed.
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay in lala xisaabtamaya dadka gaystay falal dambiyeedyada xilliyadii dibadbaxyada