Dowladda oo sheegtay in la wanaajin doono isbitaallada guud ee ismaamullada

0
327

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda qorsheynta dhaqaale James Muhati ayaa sheegay in dowladda dhexe ay maalgelin ku sameyn doonto isbitaallada dowlad deegaannada.
Waxaa uu xusay in labada heer ee dowladda ay ka wada shaqeyn doonaan sidii adeegyada caafimaad ee laga bixiyo isbitaallada ay u noqon lahaayeen kuwo tayeysan.
Dhanka kale guddoomiyaha waaxda tirooyinka wadanka ee KNBS Stephen Wainaina ayaa sheegay in darasaadka ay sameeyeen lagu ogaaday in heerka gabdhaha uurka qaada ee wadanka uu yahay boqolkiiba 15.
Ismaamullada ugu badan ee laga soo tabiyay gabdhaha ay da’dooda u dhexeysa 15 ilaa 19 sano ee uurka ah ayaa ah Samburu boqolkiiba 50, West Pokot boqolkiiba 39, Marsabit -29%, Narok-28% iyo Meru-24%.
Wainaina ayaa intaasi ku daray in sidoo kale uu hoos u dhacay heerka taranka ee dalka iyadoo boqolkiiba 57 hadda la isticmaalo siyaabaha casriga ee qorsheynta qoyska.