Dowladda oo sheegtay in la soo daadgureynaya kenyaanka ku xayiran Suudaan

0
237

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in la soo daadgureynaya muwaadiniinta ku xayiran dalka Suudaan oo ay dagaallo ka socdaan.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda arrimaha qurba joogta ee wasaaradda arrimaha dibadda Roseline Njogu ayaa hoosta ka xarriiqday inay u diyaar garoobeen in wadanka dib loogu soo celiyo kenyaanka ku sugan Suudaan haddii ay xaaladda ka sii darto.
Roseline ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ay ka go’an tahay in si nabad ah loo soo samatabixiyo shacabka dalkaasi ku nool.
Dagaalka Suudaan ka taagan oo soo billowday Sabtidii ayaa u dhexeya ciidamada militariga iyo saraakiisha u tababaran sida militariga ee RSF.