Dowladda oo sheegtay in isbeddello lagu sameynaya NHIF

0
301

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay isbeddello ballaaran ku sameyn doonto caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in dhammaan kenyaanka ay ka faa’iidaystaan caymiskan oo uu noqdo mid si buuxda u xallinaya baahiyaha caafimaad ee shacabka.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ku dadaalayso sidii dadweynaha looga fududeyn lahaa culeysyada ay kala kulmaan helidda adeegyada caafimaadka.