Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guulaysteen inay dib u soo celiyaan boqolkiiba 60 ee xoolaha laga dhacay deegaannada ay ku badan yihiin falalka burcadnimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan la qaaday saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Wasiirka ayaa si gaar ah u carrabaabay ismaamullada West Pokot, Laikipia, Meru, Turkana, Garissa, Samburu, Marsabit, Kitui, Elgeyo Marakwet iyo Tana River oo uu sheegay inay si wayn u saameysay burcadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay ku daba jiraan boqolkiiba 40 ee xoolaha la dhacay oo aan weli la soo helin.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhanka kale digniin adag u diray kooxaha qaybaha kala duwan ee dalka ka gaysta dhaca xoolaha iyo falal dambiyeedyada kale isagoo xusay in loola tacaali doono si aan beer-jileec lahayn.