Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dad uu dambiilayaal ku tilmaamay ay ka faa’iidaysteen mudaaharaadyadii ay kenyaanka sameeyeen ee ay uga soo horjeedeen hindise sharciyeedka maaliyadda.
Waxaa uu wacad ku maray in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono cid kasta oo burburisay hantida dadweynaha ama gubtay kaabayaasha muhiimka ah.
Madaxweynaha oo la waydiiyay tirada dadka ee falalkan loo xiray ayaan tiro rasmi ah shaacin.
Waxaa uu ku gaabsaday in saraakiisha booliiska ay arrintan gacanta ku hayaan oo maanta maxkamadda la soo taagi doono eedeysanayaal.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan eedeysanayaal lala xiriirinaya rabshadihii dhacay kuwaaso oo baxsad ah balse la soo qaban doono.
Waxaa uu dhanka kale xusay inuu dareemaya xanuunka ay dareemayaan waalidiinta ay carruurtooda ku dhinteen dibadbaxyada.